(Sawirro) Dr. Max’ed Nuur Gacal oo shaaciyay inuu sharaxan yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug

Waxaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug lagu qabtay munaasabad balaaran uu musharaxnimadiisa kusoo bandhigayay Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal oo u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Munaasabada xalay ka dhacday Dhuusomareeb waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano iyo Senataro katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug, Waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaanadii iyo Senataradii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Musharax Maxamed Nuur Gacal maanta yahay nin bad baadin kara korna u qaadi kara sharafta Baarlamaanka iyo sidoo kale jiritaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Waxa ayna ugu baaqeen Xildhibaanada Galmudug fursada ay maanta heestaan in aysan khasaarin kana faa’iideestaan codkoodana siiyaan Aqoonyahan Dir Maxamed Nuur Gacal oo u sharaxan hogaaminta Baaramaanka Galmudug.

Musharaxa Dr Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in uu xilkan isugu soo taagay kadib markii uu arkay ahmiyada uu leeyahay Baarlamaanka Galmudug iyo kan federaalkaba .

Waxa uu sheegay Musharax Maxamed Nuur Gacal in uu doonayo in uu soo celiyo sharafta Baarlamaanka Galmudug uuna noqdo mid lagu daydo, waxa uuna balan qaaday hadii uu guuleesto in uu la imaan doono waxqabad ay mahdiyaan bulshada Galmudug.

Munaasabada oo aheyd mid aad u heer sareesay ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u qurux badan, waxaana dhamaan dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay munaasabada ku faraxsanaayeen in Dr Gacal noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Musharaxan u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamanaka Galmudug ayaana ah shaqsiga ugu cad cad ee la filayo in uu kursigan kusoo baxo, waana siyaasiga ugu khibrada iyo aqoonta badan ee ku jira Xiigan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.

- Advertisement -